Dhinacyadi shalay ku dagaalamay Baladweyne oo wali is hor fadhiya

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in  xaalada magaalada ay degen tahay balse xiisad colaadeed ay ka taagan tahay.

Ciidamo shalay ku dagaalamay magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay wadaan hub urursi iyo diyaargarow dagaal waxaana ciidamadan isku horfadhiyaan qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa geystey qasaare xoog leh iyadoo illaa toban ruux ay ku dhinteen oo dad rayid ah ay ku jireen halka labaatan kalana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka maamulka dooxada Shabelle maxamed Nuur Cagajoof uu ku tilmaamay inuu ahaa mid u dhexeeya ciidamada dooxada Shabelle iyo kuwo Alshabaab.

Hase yeeshee xildhibaan Cumar Dheee ayaa beeniyey in dagaalkaa ay wax lug ahku leeyihiin ururka Alshabaab isagoo ku tilmaamay in dagaalka uu yahay mid u dhexeeya beelo dega halkaas ayna maamulka dooxada Shabelle ka geysteen deegaano ka mid ah magaalada Beledweyne xasuuq iyo dhac.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka soo jeeda beelaha ku dagaalamay ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay labada dhinac nabad dhex dhigaan oo uusan dhiig kale ku daadan magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.