Dhimashada Qaraxii habeen hore kadhacay islii oo sii korortay

Labo qof oo dheeri ah ayaa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaarayq arax habeen hore kadhacay afaafka masaajidka Al-hidaaya ee xaafada Islii, taasoo dhimashada gaarsiineeysa 5ruux.

Dhaawaca ayaa sidoo kale waxa uu ku dhowyahay 30-meeyo.

Dhanka kale waxaa jira boqolaal ruux oo xabsiyada ku baryay, kuwaasoo lagu sooq abqabtay howlgalo ay hay’adaha ammaanka kasameeyeen xaafada Islii.

Doowlada Kenya waxa ay ballan qaaday in ay fulineeyso howlgalo lagu xoojinayo ammaanka.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga, ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaas uusan aheen mid waqti kooban socon doona, waxaana uu intaas ku daray in Islii oo kaliya uusan ku koobaan doonin ee magaalada Nairobi qaybaheeda kala duwan laga fulin doono.

“Waxaan bilaawnay howlgalo iyo baaritaan, howlgalkana manoqon doono mid inta aan bilaawno aan joojin doono, ee waxa uu noqon doonaa mid socda mudo dheer, howlgaladana Islii oo kaliya kuma koobnaan doono, hadda waxaan qabanay 92 qof” ayuu yiri Xoghayaha wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Kenya.

Dadka dagan xaafada Islii ayay soo wajahday cabsi badan, kuwaasoo walwal iyo walaac kamuujiyay howlgalada lagu bartilmaameedsado dadka Soomaalida ubadan ee dagan xaafadaas, kuwaasoo markasta lagu eedeeyo in iyaga ay lug kuleeyihiin qaraxyada iyo weerarada kadhaca halkaas.

Mid kamid ah dadka kunool xaafada Ilsii oo BBC-da lahadlayay ayaa sheegay in dadka ay qabaan cabsi aad uxoogan, waxa uu sheegay in Ciidamada amaanka ay dada guryaha ugu galayaan iyagoona si qaas ah ubeegsanaya dhalinyarada.

Xaafada Islii oo ah meel ay si weyn ugu ganacsadaan Soomaalida, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay uu hoos udhac aad uweyn kuyimid ganacsigii halkaas kajiray, kadib rabshadihii ugu danbeeyay ee halkaas kadhacay.

Dalka Kenya, ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa kadhacayay qaraxyo mowjado ah, akdib markii ay sanad kahor Ciidamada Kenya gudaha ugaleen dalka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Xoogaga Al-shabaab.

Nabadgalyo xumada kusoo korortay Kenya meelaha ay sida xun saameeysay waxaa kamid ah xaafada Islii oo ahayd meel aad looga dukaameeysto, ganacsatadu waxa ay kacabanayaan nabadgalayo xumada kusoo badaneeyso halkaas oo dhaawaceeyso ganacsigooda.

Doowlada Kenya, ayaa ku celcelisay ineey wax kaqabaneeyso nabadgalyo xumada, iyadoo dalkaasna uu hada kujiro waqti kala guur ah maadaama laysku diyaarinayo waqtiga doorashada.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here