Dhibaato wali ka taagan Suuqyada Sarifka ee Puntland

Ganacsatada Sarifka lacagaha qalaad ee Puntland, ayaa waxay ka cabanayaan shacabka deegaanadaas oo diiday ineey qaataanlacagaha qaar, kadib markii ay doowlada Puntland ay go’aansatay in Canshuuraha ay ku qaado doolar ahaan.

Sariflayaasha suuqyada magaalada Garowe ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ay bilaabeen ineey diideen qaadashada lacagta 500, tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay doowlada Puntland sheegtay ineey miisaaniyada Canshuuraha iyo qarashaadka lagu bixinayo doolar.

Cabdi Casiis Faarax Gaas, oo kamid ah Sariflayaasha ayaa warbaahinta u sheegay sida tan.

“Doowlada markeedii hore waxay lacagta kuq aadi jirtay kuna bixin jirtay Kaash iyo doolar, go’aankii danbo ee ay doowlada soo saartayna waxay ku jaan goysay doolar , taasaana shaki weyn bulshada ku dhalisay ineey diidaan qaadashada lacagta shanta boqol”.

Madaxda wasaarada Maaliyada ayaa arintaan ku tilmaamay dacaayado ay sameeynayaan ganacsatada qaarkood, islamarkaasna ay doonayaan ineey ku ciyaaraan suuqa, hay’adaha dhaqaalahana ay arintaan indhaha ku hayn doonaan, Sida uu Saxaafada u sheegay wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland, Cabdi ibraahim Warsame.

Wasaarada Maaliyada Puntland, ayaa maanta arintaan kulan kala yeelaneysa Sariflayaasha Garowe, iyadoona ku eedeeysay ineey ka danbeeyaan diidmada shanta boqol.

Sariflayaasha iyo ganacsatada ayaa qaba in shilinka Soomaaliga oo laga cararaa ay keeni karto in nolosha danyarta ay hoos gasho.

Ganacsatada magaalaada Garowe ayaa bilaabay inay joojiyaan inay wax ku iibinta lacagta Shanta Boqol ee Shillinga Soomaaliga, taasi oo ay dadka ku micneeyeen kadib markii ay dowladda ay diiday in ay canshuurta ku qaado lacagta Shilin Soomaaliga ah, iyada oo ahayd halka ugu badan ee lacagta Shanta boqol ah ay ka socon jirtey.

Arimahaan ayaa waxay kamid ahaayeen hadal hayntii ugu badneyd deeganada Puntland maalmihii ugu danbeeyay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here