Dhibaato ka dhalatay howlgalada ciidamada is garabsanaya

140314140254_somali_army_512x288_bbc_nocreditQaramada Midoobay ayaa ka walwalsan in dhaqadhqaaqyadii militeri ee ugu dambeeyay ee AMISOM ay dhalin karaan dhibaato ban’aadanimo oo ka dhaco Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimo ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 3 milyan ay degan yihiin degaannada la bartilmaameedsaday.

Hay’addu waxay sheegtay in aan lala socon karin xaaladda magaalooyinka qaar ee ay ku dagaalamayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo garabsanaya iyo Al-Shabaab.

AMISOM ayaa weerar dhowr dhinac ah ka fulisay gobollada dhexe iyo koonfur-galbeed Soomaaliya.

Hawlgalkan dagaal waxaa lagu wadaa inuu si toos ah u saamen doono degmooyin iyo gobollo tiro badan oo ku yaal koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Magaalada Buurdhuubo

Toddobaadkii bishan ugu horreeyay waxaa la qabtay magaalooyinka Rabdhurre, Xuddur iyo Waajid.

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool waxaa la wareegay ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaali ah marka laga reebo magaalada Tayeeglow iyo tuulooyinka la xiriira.

Magalada Buur Dhuubo ee gobolka Gedo waxaa qabtay ciidan AMISOM oo Itoobiyaan horkacayaan.

Shabeellada Hoose, AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu waxay u dhaqaaqeen xagga magaalada Qoryooley iyagoo ku sii jeeda magaalada dekedda leh ee Baraawe.

Gobolka Galguduud, ciidammada dowaldda iyo AMISOM waxay gaareen xarunta gobolka ee Dhuusa-marreeb tobankii bishan.

Dhaqdhaqaayadan ciidan ee isa-soo taraya waxay durbadiiba dhaliyeen in dadka rayidka ah ay ka barakacaan goobaha bartilmaameedka noqon kara.

Wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay abaabulayaan dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ka hortagaan hawl galka milateri.

Waxaa lagu qiyaasay saddex milyan oo qof inay ku nool yihiin deegaannadaas.

Baaladda bani’aadanimo ee dagaalka ka dhalatay waxaa ka mid ah baahi dhinacyada: hoyga, biyaha, cuntada iyo adeegyada caafimaadka.

1 COMMENT

  1. Mujtamaca Soomaliyeed waxaa ku dhacay wax loo yaqaan Qeybi oo Xukun ( Divide And rule ). Dadka Soomaliyeed waa iney dhamaantooda fahmaan inaan dagaal iyo dhibaato wax xal ah iyo faa’idotoona uGu jirin SHacabka Soomaaliyeed. waxaa tusale kaaga filan marka ay dhibaato dalka ka jirto waxaa fududaada soo gelista ciidamo shisheeye ee Dalka soomaliya. waxaana uGu wacan in dadkii ay ku kala qeybsan yihiin maaha oo kaliyah hadaf,siyaasad sidoo kale diin iyo xukun intaba.

    Maxay danta Dalka iyo dadka soomaliyeedba ku jirtaa..!

    Waa iney helaan/raacaan Dowladda Federaalka Soomaliya, oo uu caalamka aqoonsan yahay..iyo haddii qalad jiro la saxo..

    Dadka iyo dalkuba uma baahna Ururo aan Dowli ahayn, Dunida waxay isku fahanta waa Nidaam iyo dowladdnimo..

    Waxaa xaqiiqo ah in ciidamo Shisheeye oo ajnabi ah ku sugan yihiin dalkeena..! sideese looga bixi kara ku tiirsanaanta Ciidamadda Shisheeyaha..

    Waa inuu jiraa tanaasul dadka dhexdiisa ah..Shacabkuna taageeraa Dowladnimo.

    * in la adkeeyaa Dowladnimada waayo iyada ayaa ah Daladda keliyah ee laga harsan karo Qoraxdo/Roobka..

    * Dowladda waa badbaada iyo ilaalinta shacabka iyo Dalka.
    * Dowladda waa hooyadda umadda iyo habsami u socodka Nolosha aadana.

    Arinta Ciidamadda shisheeye ee dalka joogo…

    * Haddii la helo shacabka Soomaliyeed oo mid ah, Taageersan Dowladooda, dhowra Xuquuqda dhexdooda ah ee midba midka kale ku leeyahay, waxaa fududaanaya in Ciidamadda Shisheeye ee dalka joogo ay dalalkooda dib uGu noqdaan.

    * Haddi ay mujtaamca Soomaliyeed ku kala aragti iyo fikir duwan yihin Masraxa Siyaasadda iyo awood qeybsiga, waxaa muhiim ah inaan la ilaawin Ilaalinta Qaranimadda,Nabadgelyada iyo Midnimadda Shacabka Soomaaliyeed. Qof kasta waa inuu noqdaa qof qaran ee maaha Qof Qabiil,urur,reer,jufo iyo koox.

    Qofka Qaranka waxa u taageeraaa Dowladnimada,horumarka iyo Nabadgelyadda Dalka. waa Midka ay Shacabka ka nababgalaan maalkooda,sharaftooda iyo dhiigooda.

    Ciidamadda Shisheeye way baxayaan hadii ay umadda noqoto mid dowladnimadda jecel diyaarna u ah iney la horumariyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jiro.

    WAxaan filayaa in shacabka fahmaan in la horumariyo Dowlanimoada iyo nidaamka dowladnimo iyo Weliba xiriirka Dadka iyo Dalka soomaliyeedba kala dhexeeye Caalamka intiiska kale. oo aan kula noolaano sharaf iyo wadashaqeyn.

    Sanadka soosocda waxaan rajeynayaa Mujtamaca Soomaaliyeed oo xor ah, madax banana, lehna Dowlad hanata dhamaan Nabadgelyada dalka oo dhan. Dowlad Difaci karta Muwaadinka Soomaliga ah, Dalka Soomaliya iyo badda Soomaliya, dowladd si habsami leh oo buuxa u shaqeyneysa lehna

    1. Ciidamadda Cirka ee Dalka Soomaliya
    2. Ciidmadda Badda Ee dalka Soomaaliya
    3. Ciidmadda Boolisa Qaranka Soomaliya oo si buuxda u xukuma guud ahaan Dalka Soomaliya.
    4. Ciidmadda Militeriga Qaranka Soomaliya
    5. Ciidmadda Asluubta Qaranka oo Si Buuxo U shaqeynaya
    6. Ciimadda Sirdoonka Qaranka Soomaliya oo Si wacan oo daacadnimo iyo hufnaan ku jirto uGu adeegaya Qaranimada,dalka iyo weliba dhowrsita Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

    Dalka Soomaaliya waxa uu marayaa meeshii uGu fiicneed mudada hada la jooga. waxana ka soo baxney mugdi,macluul,baahi,shaqo la;aan,aqoon xumo iyo jahli….

    Waxaan cagta saarnay wadadii; horumarka,Nabadgelyada,Midnimadda,shaqo abuurka,Maalgashiga,dib u dhiska,iyo weliba difaaca Qaranimadda Mujtamaca Soomaaliyeed…..

    Soomaliya waxay ku socotaa Wadadii guusha iyo horumarka ee Dadow Taageera Qaranimadda iyo Dowladdnimadda.

    Mahadsanidiin.

    Wabilaahi Towfiiq.

Leave a Reply to Kaamil Qeydaro Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here