Dhego Badan oo Sheegay in Alshabaab ay isku Aruursanayaan Deegaanka Doomo

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya General C/kariin Adan Yuusuf Dhego Badan ayaa sheegay in Alshabaab ay isku aruursanayaan degmooyinka ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhego Badan ayaa sheegay in ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin weeraro ay ku qaadaan deegaano la sheegay inay isku aruursanayaan xoogaga Alshabaab.

Abaanduulaha ayaa sheegay in hada Alshabaab ay isku aruursanayaan Deegaanka Doomo, isagoo shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadayaan deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in wabiga Shabeele Doomo ay u dhexyaalaan, halkaasina ay ku aruursanayaan ciiidamada, maadaama aysan u suuragaleynin in meel kale ay ku noolaadaan.

” Hada Wabiga ayaan ku weerari rabnaa jid iyo jaho diidka oo ay isku aruursanayaan Doomo yaalo, sidaasi ayaan xog ku helnay, dhawaan waan kala eryeeynaa” sidaasi waxaa yiri Dhego Badan Abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Xoogaga Alshabaab ayaa wali wada howlgalo iyo weeraro dhaba gal ah, iyagoo wali ka ariminaya deegaanada qaar ee dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here