Dhegabadan oo Ka Hadlay Dagaalada Kismaayo iyo Sh/Dhexe

Xilli ay cabsi xooggan ka taagan tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo sheegay in ay Kismaayo la wareegi doonaan iyadana oo aan shacabka soo gaarin wax khasaare ah.

Waxa uu sheegay in weerarka laga qaadayo dhowr jiho oo magaalada ah sida lagu qabtay Suuqa Bakaaraha oo kale, waxaana uu meesha ka saaray wararka sheegaya in qasaaro la gaarsiiyo dadka shacabka ah balse waxa la bartilmaameedsado ay Shabaab yihiin.

Amaanduulaha ciidamada Milatariga ayaa sidoo kale sheegay in la wareegeen Dekadda Ceelmaan iyo Cisileey kadib markii ciidamadooda ay ka dhaqaaqeen fariisimihii ay ku sugnaayeen halkaasina waxa uu sheegay in ay u gaareen sidii ay u qaban lahaayeen deegaanada kale ee Sh/hoose.

Ugu dambeyntii Jen Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan waxa uu sheegay in dad badan ay u qabteen dhaca dadka shacabka ah kuwaasi oo uu sheegay in ay xiran yihiin kuwa kale ee falalkaasi ku howlana waxa uu sheegay in ay qab qabanayaan.

Sikastaba hadalka Gen Dhegabadan ayaa waxa uu kusoo aaday xilli ay dagaallo culus ka socdaan deegaan u dhow magaalada Kismaayo sidoo kale waxa uu kusoo beegmay xilli ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM u dhaqaaqeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here