Dhega Badan:Waan in Magaalada laga Saaraa Ciidamada Malitariga

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa wuxuu sheegay si loo xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho ciidamada milateriga dalka looga baahan yahay in guud ahaan laga saaro Magaalada Muqdisho si shacabka ay kaga Nabad galaan dhibaatada ciidamada Militariga ay ku hayaan.

waxa uuna shaaca ka qaaday Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan in loo baahan yahay in gudaha magaalada lagu reebo kaliya ciidamo kooba oo ka shaqeeya sugida amaanka degmooyinka kale ee magaalada Muqdisho iyo ilaalinta danaha shacabka soomaaliyeed,

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan oo hadalkiisa siiwata ayaa intaasi ku daray in wali aan nidaamsaneyn ciidamada ku sugan magaalada muqdisho islamarkaana loo baahan yahay in nidaam loio yeelo,isagoona dowlada cusub ugu baaqay in kala saarto ciidamada qaranka iyo ciidamada qaab qabiileedka ahaan u shaqeeya.

Hadalkaan ka oo baxay Dhega badan ayaa ku soo aadaya iyadoo markaad dhex lugeyneyso magaalada aad arkayso ciidamo ku lebisan dareeska ciidamada qaranka hadana dadka dhac u geysanaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here