Dharkeenleey oo ku guuleystay tartanka degmooyinka G/Banadir (Sawiro)

Xulka kubada cakta degmada Dharkeenleey ayaa loo caleema saaray horyaalnimada degmooyinka gobolka Banaadir kadib marki ay galabta 1-0 kaga adkaatay ciyaarti finalka aheyd degmada Yaaqshiid.

Goolka guusha oo yimid qeybti hore ayaa waxaa saxiixay ciyaaryahan C/qadir Maxamed Xasan, waxaana guushaasi lagu sheegay mid ay u qalantay.

Koobka ayaa waxaa gudoonsiiyey xulka kubada cakta Dharkeenleey madaxweyne Shariif oo daawanayey ciyaartaasi isaga oo labisnaa dharka isboortiga.

Dabaaldagyo ayaa ka bilowday degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir iyadoo boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen wadada laamiga ah.

Kaalinta labaad waxaa gashay xulka Yaaqshiid, iyadoo lagu amaanay asluub wanaagii ay soo bandhigeyn.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com 

Clik sii Sawirka Weyneyso