Dharka la soo isticmaalo oo lagu iibyo Muqdisho

 

Dharka la soo isticmaalo oo lagu iibyo  Muqdisho
Dharka la soo isticmaalo oo lagu iibyo Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa muddo dheer la keenayay dharka la soo isticmaalo, kuwaasoo loo yaqaano (HUUNDHEEY).

Dharkan qaar badan waxaa laga keenaa waddamada Khaliijka in kastoo ay jiraan kuwa kale oo laga keeno waddamada Yurub.

Dadweynaha si weyn ayey hadda u iibsadaan dharkan, oo waaba lagu tashadaa, balse xilli horre dadku waa ay ka faani jireen.

Maxaa lagu jeclaaday?

Waa midda horre waa ay ka jaban yihiin kuwa kale ee cusub ee yaalla carwooyinka ama seyladaha dharka lagu gado.

Waa midda labaadee waa ay ka tayo iyo qurux badan yihiin dharka cusub ee la keeno Muqdisho, kuwaasoo intooda badan tayadooda ay aad u liidato oo waxaa lagu sameeyaa warshado ku yaalla Shiinaha, maadama loo wado Afrika oo duni ka dambeesa qaaradaha kale.

Dharkan waxaaba hadda gata mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana dad badan ay lee yihiin waxaa aad looga jecelyahay dharka kale.

Waxaa lagu iibiyaa dharkan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana goobahaas ay dadweynaha u yaqaanaan (CARWO ISTAAG).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here