Dhaqtar caan ahaa oo xalay lagu dilay koonfurta Gaalkayo

Rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay nin dhaqtar ah oo si weyn loogaga yaqaanay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Dr. C/qadir Maxamed Keynaan ayaa waxaa xalay fiidkii ugu galay xarun caafimaad oo uu ku lahaa Koofurnta Gaalkacyo rag ku hubeysnaa bistoolado kuwaasi oo goobta ku qaarijiyey.

Raga toogtay oo ahaa laba nin ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad la joogay xilligaasi dhaqtarka.

Xarunta lagu dilay ayaa aheyd xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo Daarul-Shifa waxa ay ka mid tahay goobaha caafimaad ee ugu caansan Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed.

Koonfurta Gaalkacyo ayaa amaankeedu kasii darayaa, waxaana arrintaan ay kusoo beegmeysaa xilli maalin ka hor ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen guriga siyaasiyada Cabdi Qeybdiid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.