Dhamaan murashaxiinti lasoo shaqeeysay Husni Mubarak oo loo diiday in ay ka qeybgalaan doorashooyinka Masar

Baarlamaanka dalka Masar ayaa ansixiyey sharci ka mamnuucaya saraakiishi lasoo shaqeysay dowladi hore ee Maxamed Xusni Mubakar in ay isu soo taagaan doorashada madaxtinimo ee lagu wado in la qabto bisha May.

Tani ayaa macnaheedu noqonayaa in madaxweyne ku xigeenki hore The parliament in Egypt has passed a law banning senior officials from the rule of ex-leader Hosni Mubarak from running in May’s presidential election.

It means the former vice-president Omar Suleiman uusan awoodi doonin inuu sii ahaado musharaxnimadiisa uu ku doonayo inuu kaga qeybgalo doorashooyinka, laakin sharcigan ayaa dhaqan gali doono hadii uu ansixiyo golaha milatariga ee dalka maamula.

Qaanuunankan ayaa sidoo kale u diidayo qof walba oo dalka Ra’isulwasaare kasoo naqday 10-ki sano ee lasoo dhaafay inuu isu soo taago xilka madaxweynaha dalka Masar.

Tani waxay ka reebeysaa inuu baratanka doorashada kasoo dhex muuqdo ra’isulwasaarihi ugu danbeeyey ee dowladi Mubarak Ahmed Shafiq oo haatan ka mid ah tartamayaasha.

Hase yeeshee go,aankan kuma jiro in wasiiradi hore ee Mubaarak aysan isa soo taagi doonin, waxaana wadada ay u xaartay arrintaasi inuu musharaxiinta kasii mid ahaado wasiirki hore ee arrimaha dibada Masar Amr Moussa oo haatan u tartamaya xisbiga Libaraaliga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. SHARCIGAAN OO KALE WAA IN LAGU SOO DHISO DAWLADDA BEDELI DOONTO TAN LABA SHARIIF IYO TUUGADOODA.

    LAGANA REEBO INEY XIL IYO BAARLAMAAN U TARTAMAAN INTII SIYAASAD KU SHEEGTA SOMALIA SOO MARTEY LAGA SOO BILAABO 1990KII.

Comments are closed.