Dhalinyaro xalay lagu dilay degmada Hurwaa

Sadex wiil oo dhalinyara ah ayaa mar qura xalay lgu wada dilay guri ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, kadib marki ay soo weerareen rag hubeysan.

Wiilshan ayaa dhintay marki ay toogteen rag ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo marki ay dileena ka baxsatay goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag wajiyada soo duubtay oo ku hubeesnaa bistoolado ay si lama filaan ah usoo galeen guriga kadibna mid mid u toogtay wiilasha, iyadoo ay dhaawac darana u gareen wiil afraad.

“Walaalow xalay 8:00 ayey kooxo hubeysan soo galeen guri ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha kadibna waxay toogteen afar wiil mid ah ayey dhaawac aad u liita uga tageen,” sidaa waxaa yiri qof goob joog ahaa.

Arintaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka xaafada oo sheegay in ay tahay tani marki ugu horeysay oo ay arkaan sadex ruux oo hal guri lagu dilo tan iyo marki ay halkaasi la wareegtay dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.