Dhalinyaro Xagjir ah oo la wareegay Masaajidyada Mombasa

BB7140A0-7A67-46DB-9EDC-E14D443593BA_w640_r1_s_cx0_cy4_cw0Bulshada Muslimka ee ku nool magaalo Xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya, ayaa ku jah wareersan dhalinyaro Muslim ah oo Xagjir ah, kuwaasoo la wareegay inta badan maamulka Masaajidyada, halka ciidamada Booliska Kenyana ay sii laba jibaareen dagaalka ay kula jiraan dhalinyaradaas.

Bilawgii Bishii February ee Sanadkaan, Ciidamada amaanka Kenya, ayaa si xoog ah ku galay Masjidka Musa, waxayna halkaas ku dileen 3 dhalinyaro ah, halka 120 kalena ay xireen.

Ciidamada ayaa sheegay ineey masjidka kasoo heleen hal qori oo AK47 ah, Tooreeyo, Cajilado, iyo Calanka ay isticmaalaan Al-shabaab.

Hadaba warbixin arintaan ku saabsan halkaan hoose ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here