Dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo haysto burcad badeednimo oo maxkamad lagu soo taagay maanta magaalada Mombasa

Afar nin oo dhalinyaro ah oo Soomaali ah loona haysto inay burcad badeed yihiin ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Afartan nin ee dhalinyarada ah ee ayaa waxaa horaantii bishii hore ka soo qabtay badweynta Hindiya markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dalka Denmark.

Burcad badeedan ayaa waxaa iska diidey in dalkeeda lagu maxkmadeeyo jasiirada Seychelles waxaana ogolaatay dowlada Kenya inay makmad saarto ragan loo haysto burad badeednimada.

Labo kamid ah afartan nin ayaa dayuurad ka soo qaaday jasiirada Seyhelles iyadoo keentay garoonka dayuuradaha ee Moi International airport shalay.

Xukuumada Denmark ayaa ka codsatay dowlada Seychelles inay dhowrto heshiiskii la gaaray bishii May 2011 kaasoo oggolaanayay in ciidamada badda ee Danish ay ku wareejiyaan dowlada Seychelles burcad badeeda ay ka soo qabtaan badweynta Hindiya.

Dalka Kenya oo ogolaaday haatan in lagu maxkmadeeyo dalkeeda burcad badeedan ayaa waxaa hore xabsiyadeeda ugu jirey illa labo boqol oo maxaabiis burcad badeed ah oo laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii 2011kii ayaa 24kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Kenya  waxaa keenay ciidamada badda ee xukuumada Denmark kadib markii ay ka soo qabteen biyaha badweynta Hindiya.