Dhalinyaro la soo bandhigey iyadoo lagu eedeynayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab

Warsaxaafadeed uu soo saaray Taliyaha ka sii dagaya xilka hogaaminta ciidamada AMISOM Fred Mugisha ayaa lagu sheegay in howlgalo wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay ku soo qabteen afar dhalinyaro ah oo lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ciidamada Alshabaab.

Mugisha ayaa warsaxaafadeedkan ku sheegay in dhalinyaradan ay ahaayeen kuwo xilliyada habeenkii ah soo weerara xarumaha ay ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa laga soo qabtay guri ku yaal degmada Yaqshid dhinaca Towfiiq.Waxaana warsaxaafadeedkann lagu baahiyey in dhalinyaradan ay haysteen markii la soo qabanayay hub isugu jira Baasuuke iyo labo qori gacmeed iyo rasaas faro badan.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in AMISOm ay gacan balaaran siisey ciidamda dowlada ayna tababar dhowaan u soo gabagabaysay ciidamo gaaraya illaa lix boqol oo askari oo haatanka mid ah ciidamada qaranka.

Hogaamiyaha dhalinyaradan la soo qabtay  ayaa lagu sheegay in uu yahay Abdukadir Dey Abdul oo 25 jir ah iyo Abdifitax Muktar Maxamed, Cisse Maxamed Farax iyo Abdul Ayanle Maxamed.

Kaptan Abdulahi Maxamed Ogare ayaa ku tilmaamay dhalinyaradan inay maalintii ay guryaha hoosta ka xiran jireen halka habeenkiina ay weeraro soo qaadi jireen, Isla maarkaana toddobaadkan oo qura ay soo weerareen xarumaha ciidamada dowlada ee ku yaal isbitaal Carafaat iyo isgoyska Ex Koontrol Balcad.

Mugisha ayaa ku soo gabgabeeyey war saxaafadeedkiisa in ay sii wadi doonaan la shaqeynta ciidamada dowlada kumeelgaarka ah.