Dhalinyaro ku fiidsaneysay xaafada Geyd Jaceyl oo xalay la weeraray

Laba ruux ayaa ku dhaawacantay kadib marki xalay kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay weerareen goob ay ku sheekeysaneyeen dhalinyaro oo ku taala xaafada Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigleey.

Dhalinyarada la weeraray oo u badnaa qaar dhawaan kusoo laabtay xaafada ayaa ka sheekeysaneyey marki la weerarayey horyaalada kala duwan ee kubada cakta Yurub oo si weyn loogaga xiiseeyo Magaalada Muqdisho.

Wiil diiday in aan soo xigto magaciisa ayaa ii sheegay in goobta la weeraray ay sidoo kale aheyd Play Station “Goob game-ka lagu ciyaaro” waxaana ay caan ku tahay dhalinyrada jecel ciyaaraha kubada cakta.

Kooxihi weerarka qaaday ayaa goobta ka baxsaday waxaase marki danbe yimid ciidamo ka tirsan dowlada oo howlgalo ka sameeyey halkaasi balse cidna maysan u qaban.

Degmada Wardhiigleey ayaa ka mid ah meelaha ay sida xooga leh u joogaan ciidanka dowlada uguna amaanka fiican xiligaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.