Dhalinyaro badan oo looga shakisanyahay Al Qacida oo lagu xiray Yemen

In ka badan 100 ruux oo dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu xiray dalka Yemen kadib howlgalo ay ciidanka amaanka ka sameeyeen gobolkada Shabwa iyo Abyan.

Dhalinyaradan oo ay warbaahinta Yemen ku sheegtay kuwo aad loogu maleynayo in ay ka bar bar dagaalamayeen Al Qaacida ayaanan la hubin in ay yihiin qaxooti iyo jihaad doon.

Saraakiisha booliska ee magaalada Cadan ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaano ku aadan sidi ay u ogaan lahaayeen dhalinyaradan oo haatan ku jira xabsiyada magaaldaaasi.

Ku xigeenka qunsulka Soomaaliya ee magaalada Caden, Xuseen Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in la xiray dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana laga soo qab qabtay gobolada Abyan iyo Shabwa.

Labada gobol ee laga soo qabtay dadkani ayaa waxaa ku badnaa Al Qaacida hase yeeshee waxaa dhawaan dib ula wareegay ciidamada amaanka kadib dagaalo culus oo ay ku qaadeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here