Dhakhtar caan ah oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo oo Bandow lagu soo rogay
Dhakhtar lagu dilay Kismaayo

Kooxo hubeysan ayaa xaley fiidkii waxa ay magaalada Kismaayo ku dileen dhakhtar caan ka ahaa magaaladaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye ayaa waxaa dilay rag ku hubeysan qoriga AK47, waxaana ay ku dileen xaafanada Snai ee magaalada Kismaayo.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba.

Dhakhtarka ayaa xilligii la dilaayay wuxuu ka yimid xarun caafimaad oo uu lee yahay bartamaha Kismaayo.

Ma jirto cid ka hasashay dalka dhakhtarka balse waxaa dadka deeganka ay lee yihiin dilkiisa wuxuu la xiriiraa aano qabiil.

Saakay ayaa lagu wadaa in lagu aaso marxuumka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here