Dhago Badan “Dhalinyaradiina Jowhar Deggan waxaan idiin Dhisi Doonaa Garoomadii k/cagta ku Ciyaari Jirteen”

Amaan-duulaha ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed Janeral Cabdikiriin Yuusuf Adan (Dhago-badan) oo masjid kuyaalla magaalada Jowhar kula hadlay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Jowhar ayuu ballan qaaday arimo badan.

Janeralku waxa uu sheegay in ciidamada Al shabab ee kusuganaa jowhar dhalinyarada dhibaato ku qabeen sida uu yiri islamarakaana ay iyagu ka farxin doonaan jowhar dhalinyaradeeda.

Amaan-duulaha Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed C/kiriin Yuusuf (Dhago Badan) oo Masaajidka Minaarada Degmada Jowhar kula hadlayey dad badan ayaa ballan qaaday inay sameyn doonaan dhisida garoomihii dhalinyaradu ku ciyaareysay kubadda Cagta.

“Waan ognahay nimankii nabadiidka ahaa inad dhib ku qabteen,laakiin waa ballan ah inan idiin dhisno garoomihii aad ku ciyaari lahaydeen kubadda cagta ayuu cod dheer ku yiri Janeral C/kiriin Dhago badan”.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada lugta dawlada Somaliya Cali Caraaye Cosoble (Gama-duule) oo isaguna kusugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in mar walbo ay ku dadaali doonaan xaqiijinta amaanka reer Jowhar.

Hadalkaan kasoo baxay Taliska ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed C/kiriin Dhago-badan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ay maanta la wareegeen magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here