Dhageyso+Sawiro: Faah faahin Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta barqadii gaarigiisa qarax loogu xiray Macalin Cabdixaliim Axmed Nuur oo wax ka dhiga Jaamacada SIMAD ee Magaalada Muqdisho xilli uu marayey Xaafada Taleex ayaana qarax uu haleelay.

Macalinka ayaa waxa uu qaraxaasi ku waayey mid ka mid ah lugihiisii iyadoona lasoo sheegayo dhaawac ahaan in loo jiifiyey cusbitaalka Madiina ee Muqdisho halkaasi oo lagu daweynayo.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Maxamed Daahir Cabdulle oo qaraxa meesha uu ka dhacay Saxaafada kula hadlay ayaa sheegay inay ku raad joogaan kooxihii qaraxa fuliyey ayna ku Eedeynayaan Al Shabaab sida uu yiri.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA”ID EE TALIYE MAXAMED DAAHIR QABTAY

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA QARAXA IYO QAABKA UU UDHACAY

xaliim_2 xaliim_3 xaliim_4 xaliim_5

1 COMMENT

  1. Waa Yaab !

    Arintaan Waa in la ogaadaaa. XAQIIQADDA rasmiga ah. cida ka dambeysay, iyo goobta ay ka soo agaasimeen..

    SHAQADAASINA waa mid u taala umadda oo dhan, gaar ahaan Dadka reer Muqdisho, iney xil iska saaraan, HELIDDA dadka dhibkaasi geystay. Waxaase xaqiiqo ah in dadkasai ay yihin dad aan rabin HORUMARKIINA IYO NABADDA WADANKA.

    FALALKA ARXADDARADDA AH – in la aqbalo maaha. dadkaani waa dad agaasiman, Qorshahooda guracana yahay MID Shisheeyo. waayo waa dagaal ka dhan ah aqoonyahanka. sababtoo ah qofka la dilayo maaha qof qaadi ah ( shifil ) basle waa qof umadda shaqo u hayo. bal waran maanta Shaqadiisa Walaalka ( Axmed Nuur ) Alle cfimaad deg deg ah ha siiyee..waadna aragtaan waxa meesha ka dhaceye..!! hadii uu ka habsaamo, intee ardey ayaa HELIN cashirkii maalin laha ahaa.!!!

    Alle cfimaad ha siiyo walalka meesha ku dhaawacmey, waxana alle uga baryeynaa inuu si dhaqso ah ku bogsiiyo.

    Waxaase loo baahan yahay in dadkaasi dadka laga dhax qabto, oo aan la isku daynin… haddii kale saameynta iyo Falalka guracan oo ay la damacsan yihiin iyo qasaaraha nafeed oo ay geysanayaan intaasi waaa ka badanayaa..!

    GACMO WADA JIR AYAY WAX KU QABTAAN – HADDAAN DOWLADDA IYO SHACABKA WADA SHAQEYN WAA ADKAANEYSAA IN LA HELO DHAGAR QABAYAASHA AAN CAQLIGA LAHAYN, GATEYNA DAMIRKOODA, BENI AADNINIMO IYO MID ISLAANIMO.

    WABILAAHI TOWFIIQ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here