Dhageyso: Xukun Dil ah oo Askari lagu fuliyey Magaalada Kismaayo

xukun_dil_ah-490x363Maxkamada Ciidamada Maamulka Jubba ayaa xukun dil ah ku fulisay Askari katirsanaa maamulkaasi kadib markii lagu helay inuu si ula kac ah udilay wiil yar dhawaan gudaha magaalada Kismaayo.

Dable Cabdirisaaq Barre Cabdi Dhuub ayaa ah Askari lagu fuliyey Xukunka kaasi oo bishii hore ee November ku dilay sida la sheegay Marxuum la oran jiray Cabdimaalik Cabaas oo 8 sano jir ahaa.

Kadib markii lagu helay dilkaasi inuu geystay Askarigaasi wiilkaasi yar ayey Maxkamada Ciidanka Maamulka Jubba ayey ku riday Xukun dil ah sida uu saxaafada usheegay Shiikh Xasan Ibraahim Isxaaq oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka Maamulka Jubba.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen xukunkaasi dilka ah ee lagu fuliyey Askariga dilka geystay iyagoo ku baaqay in ruuxii ruux kale si kas ah udilaa isna la dilo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GARSOORE SHIIKH XASAN IBRAAHIM ISXAAQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here