
Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caawa loo doortay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ kadib markii magaalada Muqdisho ay ka dhacday doorasho taariikhi ah.
Macalimuu ayaa si sahlan ugu guuleystay doorashada kadib markii uu tanaasul sameeyay wariye Cali Cabdillahi (Cali Baashi) oo ay tartamayen.