Dhageyso: Xildhibaanada Taageersan Xasan Shiikh oo Soo Dabcay

kulankii-baarlamaanka-18

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka laga keenay R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Xildhibaanada ka fekirka duwan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil inay Madaxweynaha usheegi karaan hadii uu khaldan yahay ay diyaar u yihiin in ku yiraahdaan Arintaasi.

Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Mooshinkaasi sharci darada ah sida uu hadalka u dhigay,isagoo ku baaqay in Xal laga gaaro Arintaasi.

Maanta oo isniin ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu kulan ku dhexmaro Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo la filayo Mooshinkii laga keenay R/wasaaraha in Baarlamaanka la horgeeyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN CABDULLAAHI DIYAARIYEY

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here