Dhageyso: Xildhibaan Xafso “Shacaboow Kacdoon Sameeya”

micraphoneXildhibaan Xafso Shiikh Xuseen oo ka mid ah Hablaha ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si qiiro waddaniyeed leh uga hadashay sida Baarlamaanka ushaqeeyaan iyo wararka sheegaya inay wax isdab marin sameeyaan.

Xildhibaan Xafso ayaa aad uga carootay xildhibaano ay kawada tirsan yihiin Baarlamaanka ay ku goodinayaan Dalka in fowdo iyo dhibaato uhorseedayaan hadii aysan helin sida ay ubaahan yihiin.

Waxay ku baaqday in Shacabku kacdoon ka dhan ah Baarlamaanka sameeyaan si looga hortago arinta Xildhibaanada qaar ay ku hawoonayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN CABDULLAAHI DIYAARIYEY

1 COMMENT

  1. wadamada caalamku waxeey u kala baxaan wadamo qabo xildhibaano iyo wadamo ow madaxweynuhu toos u xukumo.

    wadamada xildhibaanada qabo xildhibaanadu waxeey mas.uul ka yihiin sharci dejinta (majlis tashriici) golaha wasiiraduna waxeey mas.uulka yihiin dhaqan gelinta sharciyada ama qaraaraadka madaxweynuhu soo saaro.

    wadamada aan xildhibaanada qabin waxaa wadanka taladiisa gacanta ku haayo madaxweynaha wasiiraduna waxeey toos uga amar qaataan madaxweynaha.

    wadamada qabo xildhibaano wadaniyiin ah shacabkoodana qadariya waxeey difaacaan shacabka markey dareemaan in dowladu shacabka ku xad gudbeyso hadii dowladaasi tahay dowlad toosana wadankaasi waxoow gaaraa horumar iyo shacab isjecel.

    wadamada madaxweynuhu toos ugu taliyo ee aan xildhibaanada qabin waxeey leedahay labo waji oo midna qayr yahay midna shar.

    kan kowaad .wadanka madaxweyne toos ugu taliyo ee madaxweynahaasi daacada wadankiisa u yahay yacni caadil yahay waa wadan ilaahay nimco ku maneeystay waayo madaxweynahaasi waa mid umaddiisa la tashada qabo mustashaaro amaba majlis istishaari owkala tashado hadii amuuro culusi soo foodsaaraan,
    wadankaani waxoow ka badbaaday labo arrimood oo kala ah madaxweyne kaligiis taliye ah iyo faragelin iyo mashaakil baarlabaan iyo
    xildhibaanadiis.

    kan labaad wadanka madaxweyne toos uga taliyo laakiin madaxweynuhu kaligiis taliye yahay waxoow dhaxlaa dhibaatooyin iyo xadgudubyo wadanka oo dhan saameeyo sida boobida hantida shacabka kala sareynta ama qoloqolaysiga xabsiyo xaqdaro ah iyo dilal iyo in halmadaxweyne ama hal qolo oo shacabka ka mid ahi talada wadanka gacanta ku hayso.

    anaga hadaan soomaali nahay waxaan soo marnay madaxweyne sanado badan talada haystay dhibaatooyin badana laga dhaxlay oowna wadankeeni sidaas ku burburay.

    labaatan iyo dhowrsano ka dib maxaa dhibkii jiray lagu xaliyay.

    shacab daalan umad kala firdhatay, qaxooti xeryo shisheeye ku jiro,
    dhalinyaro badaha caalamka ku qarqaayo barakacyaal wadanka dhaxdiisa ku baaba,san, umad xaalkeedu yahay illaaheeyoow mar uun salka dhulka noo dhig dowladna noo yeel.

    xalki waxoow noqday.

    baarlabaan aan shacabka soomaaliyeed dooran oo dhowr boqol ah
    sitana magac qabiil mushaarkooduna yahay kumanaan doolar halka askariga xabadu ku dhaceyso qaato boqol doolar iyo wax la mid ah.

    fadraal aan umadda soomaaliyeed aqoon micnihiisa aanana lagala tashan ee dusha laga saaray ee halkii umadda soomaaliyeed ee labaatan sano colaadu dhex tiilay intii laysu soo dhaweynlahaa maanta intii ishaysatay la kala googooyay.

    madaxweyne lugaha ka xirxiran haybadi iyo karaamadii madaxweyne laga xayuubiyay ee maalinkasto xildhibaano handadaayaan.

    ra,iisulwasaare iyo wasiiro aan loo ogolayn xitaa in cideey rareen meel ku furaan ee maalin kasto la ridaayo marna la soo dhisaayo.

    cago juglayn bahda caalamka ( mr key)mareykan i.w.m.

    shacab gacanta beerka ku haayo waagii baryaba inti dalka joogto cabsi inti dibadana rajo xumo.

    xalku gacanta shacabka ayoow ku jiraa.

    maanta waa maalin wax la qaban karo hadii shacabka soomaaliyeed khatarta jirto dareemo.
    aniga waxeey ila tahay in hadii waagii hore wixii na baabi,iyay ow qabiil ahaay in maantana qabiilki oo mataan helay.

    qabiilki waa baarlabaanka oo qabiilnimo lagu keenay oo intoow umadda u shaqeynlahaa danahiisa iyo qabiilkiisa u shaqeeyo.

    mataankuna waa fadraal baaska umaddeena la dulkeenay iyadoo loo fahan siiyay shacabka in gobalwalba barwaaqo la dejin doono laakiin barwaaqo daaye intii la heystay ayoow afka u ridan doonaa waayo?

    fadraal waxaa lagu xukumaa wadamo dhowr ah oo isku darmay amaba wadan qabo umaddo kala diin kala luuqad kala dawaa,if sida shiico iyo suni. soomaalise waa umad isku diin isku af isku mad hab isku wadan.

    soomaaliyeey caalamka ka raadiya wadan qabo inta aan haysano
    wiil iyo abtigiis, luuqad soomaali, diinta islaamka,wadan barwaaqo ah oo caalamkoo dhami ku riyoonaayo. yaa rabi umadeydi maxaa indhaha ka qaaday?

    soomaaliyeey maanta waxaa nalala rabaa in nimcooyinkaas umadeena kulminaayo ee diin iyo dal iyo dhaqan ahba la tirtiro dabka lagu gubaayana waa baarlabaan qabiilka iyo fadraal baaska.

    waxeey ila tahay in shacabka soomaaliyeed oo culumadiisa iyo indheer garatadkiisa kaashanaayo inoow go,aan deg deg ah gaaro
    waa in xildhibaanadaan xadkooda la joojiyo waa in shacabku meelkastoo ow joogo muujiyo in aanoow raali ka aheeyn in dowlada baarlabaankukaraamo dilo shaqadeedana ku soo fara geliyo baarlabaanku shaqoow leeyahay madaxweynuhu shaqoow leeyahay ra,iisulwasaaraha iyo wasiiradiisuna waxeey leeyihiin shaqo u gaar ah cidii intaas kala saari laheedna waa baarlabaanka illaa maantana baarlabaanku xitaa awoodaha madaxweynaha iyo ra,iisulwasaaraha kalama saarin.
    baarlabaanku waxoow sheegtaa inoow yahay codki shacabka laakiin maanta waxaa cad inoow noqday seefti shacabka maalinwalba waxoow ridayaa wasiiradi iyo ra,iisulwasaarihi waxa kaliya ee harayna waa in madaxweynaha la rido.

    qaylo dhaan qaylo dhaan qaylo dhaan soomaaliyeey.

    wallaahi hadii madaxweynaha la rido dowladu waa dhacee baarlabaanku waa dhacaa soomaaliyoo dhan waa dhacee.

    baarlabaanka waxaa ku jirosoomaaliyoo dhan qabiilna uma kala harin waxaana lagu dhisay qabiil qarana uma shaqeeyo waxaana muuqato in hadii sideey rabeen waayaan aanay kala jeclayn in soomaaliyi kala cararto markale iyo in wadankaan cadaw qabsado

    illaaheey waxaan ka baryayaa in hadii xildhibaanadaan hanuun u qoran yahay illaaheey tuso ineey waajibkooda gutaan umadoodana u naxariistaan dowladana burburka ka dhaafaan hadii kale yaa rabbi golahooda kii faaruqa ka dhig kuwo ka qayr badana ku badal aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here