Dhageyso: Xildhibaan Xaaji “Axada ka hor ha is casilo R/wasaaraha”

Xildhibaannada baarlamaanka o
Xildhibaannada Baarlamaanka 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta Axada ah la filayaa in codka kalsoonida loo qaado R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa waxay sheegayaan in R/wasaaraha Soomaaliya ay kula talinayaan inuu is casilo ka hor inta aan la gaarin Maalinta Axada ah.

Xildhibaan Cusmaan Xaaji waxa uu sheegay in R/wasaaraha uu ku xad gudbay shaqadii uu hayey sidaa awgeed ay ku baaqayaan is casilaad ka hor inta uu baarlamaanka codka kalsoonida u qaadin.

Maalmahan dambe waxa jiray Mooshin laga gudbiyey R/wasaaraha Dalka oo tiro ka seddex jeer uu baaqday iyadoona maalinta Axada ah la sugayo codka kalsoonida lagoo qaado C/weli Shiikh Axmed Maxamed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN CUSMAAN XAAJI OO BAARLAMAANKA DF KATIRSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here