Dhageyso: Xildhibaan ka hadlay Dilalka Kismaayo

micraphoneMaalmahan dambe wararka laga helayo Kismaayo waxay sheegayaan in dilal qorsheysan ay halkaasi ka dhacayeen oo loo geysanayey dadka ku dhaqan Magaaladaasi.

Maxamed Iidle Geedi Xeroow waxa uu ka mid yahay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ka hadlay dilalka ka dhacayey magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Xeroow oo kasoo jeeda deegaan ahaan Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadka la dilay isagoo dhinaca kale sheegay inay maamulka Jubba kala hadleen joojinta dadkaan dilalka geysanaya iyaguna ay uballan qaadeen wax ka qabashada arintaan.

Waxa uu Xildhibaanku tibaaxay inaysan la ogaan karin cida dilka geysaneyso isagoo sheegay in laga yaabo dilalkaasi inay fulinayaan Al Shabaabka duleedka Magaaladaasi kusugan,waxaana uu difaacay in Maamulka Axmed Madoobe lagu Eedeyn karin dilalkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN MAXAMED IIDLE XEROOW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here