Dhageyso: Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala Tuulada Beyxaaw

Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala Tuulada Beyxaaw Oo Hoostagata Dowlada Jowhar Ayaa Gudaha Masaajidka Lagu Dilay 2 Qof 4 kalana Lagu Dhaawacay.

Wararka naga soo gaaraya tuulo hoostagta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in saaka salaadii subax markii laga soo baxay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen dadkii Masaajidka kusoo tukaday.

Tuulada Beyxaaw oo afar Km ujirta magaalada Jowhar ayaa waxa la sheegay in dableyda weerarka qaaday ay rasaastii la furay ku dhinteen 2 qofood halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Lama oga sababta ka dambeysay in kooxda ay weerar ku qaadeen Masjidka ku yaalla tuulada kuyaalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Hadaba Wariye Bashiir Cali Daahir Oo Ku Sugan Magaalada Jowhar Ayaa Ka
Wareystay Falka Masjidka Gudihsa Dadka Lagu Dilay.

Dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/Wariye-Bashiir-Cali-Daahir-Oo-Jowhar.mp3″]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here