Dhageyso: Wasiiro isku soo badelay Xaajiyaal oo Muqdisho Yimid

xilwareejin-wasiirkii-kheyraadka-7-620x465

Wafdi uu horkacayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumada Soomaaliya Xaaji Ridwaan Xersi Maxamed ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Labada gole ee dawlada la socdeen ayaa ka yimid Dalka Sacuudi Carabiya iyagoo sanadkaan ka qeyb ahaa Muslimiintii Soo Xajiyey.

Sanadkaan ayuu sheegay wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Xaaji Ridwaan Xersi inay ku geeriyoodeen 4 qof oo Muwaadiniin Soomaali ahaa oo iyagoo Xajka Acmaashiisa ku jiray geeriyooday.

Wasiirka ayaa waxa uu Alle uga baryey Somaliya in Nabad kusoo celiyo Muslimiintii Sanadkaan Xajiyana allah uu ka aqbalo Xajkooda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIRKA DIINTA & AWQAAFTA XAAJI RIDWAAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here