Dhageyso: Wasiirka Caafimaadka oo Kormeeray Jaamacada SIU magaalada Muqdisho

Waxa maanta Jaamacada Somali International University (SIU) magaalada Muqdisho kormeer ku tagey Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dalka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) isagoona ka warbixiyey wixi uu kusoo arkay gudaha Jaamacadaasi.

Wasiir Cali Xareed ayaa la ashqaraaray sida Jaamacadaasi ay iskugu howshay qalabka iyo qaabka ay ardayda wax ugu barto isagoo amaan kala dul dhacay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada SIU.

Cali Maxamed Xareed waxa uu sheegay inuusan aaminsaneyn Muqdisho Jaamacad sidaan oo kale ah ay ku taallo isagoona markii uu Jaamacadaasi kormeerayey Ardayda ufadhiyeen Imtixaan urajeeyey inay guuleystaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIRKA CAAFIMAADKA DALKA CALI XAREED

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada SIU Professor Yaxye Cali Ibraahim oo isna Saxaafada kula hadlay Gudaha Jaamacadaasi ayaa sheegay inay Farxad u tahay kormeerka maanta uu ugu yimid Wasiirka Caafimaadka ayna ugu talo galeen si uu u arko waxyaabaha ay jihdiga geliyeen iyo sida ay Ardayda Jaamacadooda wax uga bartaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA PROFESSOR YAXYE CALI IBRAAHIM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here