Dhageyso: Wasiir katirsan Xukuumada oo diiday Heshiiskii PL & D.F Somalia

mahad

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa waxa uu kasoo horjeestay Heshiiskii shalay Garowe ku kala saxiixdeen Maamulka Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu Mahad Maxamed Salaad sheegay inay heshiiskaasi qodobadii lagu kala saxiixday ay ku jirto mid ka hor imaanaya Dastuurka dalka kaasi oo ah in maamulka loo sameynayo Gobollada Dhexe uu ka koobnaan doono Gobol iyo Bar taasina aysan suurtagal aheyn.

Wasiir Mahad Salaad waxa uu sheegay in Heshiiskii shalay uu sidoo kale ka hor imaanayo Heshiiskii lagu kala saxiixday Muqdisho bilo ka hor ee dhigayey in Gobollada Mudug iyo G/gaduud la isku darayo maamulna loo sameynayo uu sidoo kale ka hor imaanayo Hehsiiskii shalay lagu gaaray Garowe.

Waxaa Shalay Garowe R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ay ku kala saxiixdeen 12 qodob oo ay ka mid ahayd in Gaalkacyo qeybta wuqooyi aan lagu darin maamulka loo sameynayo Gobollada Dhexe taasina Wasiir Mahad Maxamed Salaad oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobollada Dhexe uu kasoo horjeestay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIR MAHAD MAXAMED SALAAD

1 COMMENT

  1. R/w shaqo ka dhigtey in uu isku diro beelo aan is rabin shacabka rabitaankooda aan la qiimeyn is nacayb beeleed taariikh madow heshiiska yuulka uu saxiixay waayo waa hweshiis ka fof rabitaanka shacbka degan waqooyiga Mudug beelo badan oo dega waqooyiga mugud si cad ayey u sheegeen in ay taageersan yihiin heshiishkii hore kaas oo si cad u shegaayey in labada gobol loo sameeyo maamul mudug iyo galduduud waxaa iii muuqdo in beelaha dega waqooyiga mudug ay sameyn doonaan wada kasto ay ku heli karaan xaqooda mar hadii heshiiskii lagu dhisey maamulka puntland 16 sanno ka hor lagu xad gudbey beel walbana aan la siin saamigiii ay xaqa u laheyd fashilka r/w yuulka waa mid soomali oo dhan ay ka wada sheekeyn doonto taaariikh madow isku dir beeleed kismaayo hada waxaa ka socdo dagaal ay bilaabeen beesha raskabooni aygooo rabo in ay booobaan dhulka beelaha 95% degaanka u badan beelaha lixda gobol waxaa kaloo foolaneyso baydhabo iyadooo shariif sakiin uu ka wado isku diw beelo walaalo ah si uu u gaaro markuu dhiig badan daato dantiisa karaka ah shacabka degaanadaas inta badan way ka mideysan yihiin in ay difaacan xaqooda shacabka rabitaankooda waa sida ku cad dastuurka dalka muda sannad ah ayaaa la wadaa sidii leysaga horkeeni lahaa beelaha walaalaha ah shariif sakiin wuxuu ka taajirey lacagtii masaakiinta soomaliyeed mudadii xilalka dowlada uu madaxka ahaa waa shaqsi dalaal ah waa shaqsi aan xishoon sida siyaasada uu moodey marbey meel khatar ah kula tagtaa wadada hada ku socdo waa jid madow lagana yaabo in uu noqdo dulmilow daraadiis dhiig iyo dagaal huriyo si loo mashquuliyo shacabka degaanka dib u dhac weyna uu sabab u noqdo horumar la,aanta abaaraha dhibaatada wuxuu xiriir hoose la leeyahay dowlado shisheeyo oo si qaldan lacag uGu qaatey siyaasad xumida gaas waan aragney in uu u noqdey dagaal ooge qabiil xaqdaro sadbursi cadaalad la,aan yuulka wuxuu rabaan in uuu fashiliyo dowlada uu madaxda ka yahay waayo waxaa ku yar aqoon siyaasadeed waa nin ay ku weyn tahay nacaybka beelaha dego koonfurta lacagaga mogdisho ka soo xarooda kaliya maa dowlada iska leh shacab mogdisho maxaa loogu qabtaa waa run in lacagta kazoo xarooda la siiyo maamulo kale iyadooo aan la siin qeybtiii mogdisho xaqa u laheyn ganacsatada iyo shacabka iyo maamul waxay bilaabyaan in aysan bixin wax canshuur an muda 10 maalmood taas hadii dowlada khaladaadkeeda aysan sixin muda 30 casho waxaasi wadareed isku casili doono maamulka gobolka banaadir shacabkana waxay bilaabyaa in ay kalsoonida kala laabtaan dowlada uu madaxda ka yahay yuulka waa waa nin isla weyn u socda aargoosi qabiil la arki doono meesha soomali ku danbeyso

Leave a Reply to Yuulka sidiii caadadiisa aheyd sameeyey isku dir beeleed Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here