Dhageyso: Wareysi Colnel Qaliif C/lle Carfaaye,Ciidan ayaa Geeyneynaa Goobaha Alshabaab Laga Saaray.

BOLISKAAsiga oo wareysi gaar ah siinayay idaacada asal Taliyaha qeybta boliska ee gobolka shabellaha dhexe Colonel qaliif cabdulle carfaaye ayaa waxa uu sheegay in ciidamo bolis ah dhawaan la geeynayo deegaanada iyo degmooyinka gobolka shabellaha dhexe gaar ahaan goobahii dhawaan lagala wareegay xarakada alshabaab.

qaliif cabdulle carfaaye ayaa sheegay in hada aqoon isweydaarsi uu uga socdo magaalada muqdisho ciidanka boliska ah ee  lagu wado in la geeyo cadale, raageceele  iyo deegaanka biya cade  marka uu soo idlaado aqoon isweydaarsiga ka dib ciidankaasi la keenayo gobolka shabellaha dhexe.

ciidanka ayaa wxay soo baranayaan habka la dhaqanka bulshada rayidka ah ee ku sugan deegaanada dowlada u qorsheysay in ciidan bolis ah la geeyo.

HALKANI HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA QEYBTA BOLISKA G/SH/DHEXE, AADAN X– USEEN DAAUUD AYAA LA YEESHAY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here