Dhageyso: Wareysi Gudomiye Ku Xigenka Maamulka G/Shabellaha dhexe Oo Ka Hadlay Caruur Ku Sumowday Cunto ay Cuneen.

midnimoAxmed Meyre Makaraaan Oo Ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka shabellaha dhexe Dhinaca Siyaasada iyo Amniga ayaa idaacada Asal ushegay in xaalada caafimaad ee Caruurta Maanta ku sumowday Cunto ay cuneen in laga kenay Tuuloyin hoos taga degmada jowhar Ee Xarunta Gobolka shabellaha dhexe.

Caruurta uu maanta ku booqday hospitaal goboledka INTERSOS ee degmada jowhar ayaa ah tiradooda ilaa 5 shan caruur ah laba ka mid ah waa ay geeriyooden halka hada saddex kalana ay xaaladooda caafimaad ay la tacaalayaan dhaqaatiirta cusbitaalka INTERSOS.

Gudomiye meyre ayaa ugu baaqay in shacabka reer shabellaha dhexe ay ka feejignaadaan isticmaalka sunta xoolaha si buu yiri looga badbaado dhacdooyinka la mid ka ah dhacdada maanta ka dhacday tuuloyinka Garaash buula garaan iyo kongo ee duleedka magaalada jowhar.

 HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYE AXMED MEYRE MAKARAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here