Dhageyso: Warbixin “Maalinta Xuquuqul Aadanaha Caalamka”+10 December

xuquuqul insaankaDunida oo maanta oo kale waxa looga dabaal dagayaa Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha,Soomaaliya ayaana ka mid ah meelaha laga xusayo iyadoo tacadiyo badan ay dalka ka dhacayaan.

Waxyaabaha ugu badan ee la diin waan geliyey sanadkaan ayaa ah Kufsiga Haweenka loogeysto ee sida xoogga ah loogu qasbo galmada,dhaca dadweynaha,jir dilka rayidka,Deeqaha ay leeyihiin oo la dhaco iyo Wariyeyaasha u adeegaya Shacabka oo la beegsaday.

Qaar ka mid ah Haween kusugan Somaliya ayaa waxay ka warbixiyeen Kufsi loo geystay iyo dhibaatooyin ay la kulmeen.

Sahra Maxamed Axmed waxay ka mid tahay Ururka udooda Xuquuqda Haweenka ee SWDC waxay sheegtay in hadda ay haweenka ku dhiiranayaan inay dhibta soo gaartay ee Kufsiga sheegtaan si loo caawiyo dawooyina loo siiyo.

Gudoomiyaha Gudiga Difaacayaasha Xuquuqul Aadanaha ee Qaarada Africa Xasan Shire Shiikh ayaa sheegay in weli ay dareemayaan tacadiyada Kufsiga ah ee Haweenka barakacayaasha ah loo geysanayo Somaliya iyo Xatooyada lagu sameynayo deeqda mucaawimo ee dadkaasi lagula dhaqmo.

Meelaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo waxa ka mid ah Sanadihii lasoo dhaafay Dalka Libiya oo jir dil iyo nolol cariiri lagu geliyo guryo gaar ah oo ay leeyihiin dadka loo yaqaano magafayaasha ee tahriibayaasha lacagaha ka qaata.

Sidoo kale Soomaalida Qaxootiga ku ah Dalka S/Africa waxay iyaguna la kulmaan tacadiyo dilal,dhaawac,dhac hantidooda ah iyo sharciyada oo loo diido markii ay xarumaha sharci bixinta tagaan.

Yeman oo markii tahriibayaasha Soomaalida ay doonayaan inay usii gudbaan Dalka Sacuudiga oo dadka la garaaco baco la shiilayna jirkooda lagu qabto si ay lacago ubixiyaan.

Warbixinada ay soo saareen Hay’adaha Udooda Xuquuqul Aadanaha ee HRW iyo AMNESTY INTERNATIONAL ayaa labaduba waxay ku sheegeen in weli Somaliya tacadiyo ka jiraan oo dadka Rayidka ah loo geysto.

Sanadkaan Gudihiisa waxa jirtay in Ciidan Katirsan AMISOM oo jooga Muqdisho ay kufsi ugeysteen sida la sheegay Haween Soomaaliyeed inkastoo AMISOM ay si maldahan ubeenisay.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu dhankiisa ka hadlay tacadiyada Kufsiga iyo Xuquuqul Aadanaha.

Khabiir Caalami ah oo lagu magacaabo Shamsul Baarid oo ah nin Xuquuqul aadanaha muddo badan kusoo dhex jiray islamarkaana Somaliya yimid 13 bilood ka hor ayaa sheegay inay muhiim tahay ka shaqeynta dhowrida Xuquuqda Insaanka.

Hadaba Yey Xil ka saaran tahay ilaalinta Xuquuqul Aadanaha Ma dawlada dadka Xukuntaa mise Naf walbo iyadaa xuquuqdeeda ilaashaneysa?

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN UU DIYAARIYEY XASAN CABDULLAAHI CABDULLE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here