Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Khayraadka Badda

badda1Agaasimaha guud ee Agaasinka Kalluumeysiga iyo Bii’ada ee Wasaaradda Kheyraadka dalka Axmed Iimaan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay horumarro badan ka gaareen arrimaha kalumeysiga haddey ahaan laheyd diyaarinta xeerka Kaluumeysiga dalka iyo nidaaminta iskaashatooyinka kalluumeysiga.

“Halkii samo ee la soo dhaafay waxaan qabannay howl aad muhiim u ah oon muddo bilooyin ah ka shaqeeyneynay, waxaana ka mid ah xeerkii kala hagi lahaa kaluumeysiga sharci darrada xoogga leh ee ka jirta badda, sharcigaasna waxaan u gudbinnay Golaha Wasiirrada waana ansixiyeen, kadibna waxaa loo gudbiyay golaha baarlamanka, wuxuuna maray aqrintii Sadexaad waxaana fileynaa in dhawaan la ansixindoono’’ Ayuu yiri Axmed Iimaan.

Dhageyso Warbixinta Agaasimaha guud ee Agaasinka Kalluumeysiga iyo Bii’ada ee Wasaaradda Kheyraadka dalka Axmed Iimaan 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here