Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Dilalka Ka Dhaca gobalka Minnisota

minnFaadila Sheikh Maxamed ayaa VOA uga warbixiyay dilalaka ka dhacayo magaalada Minneapolis ee gobalka Minnisota oo ilaa hadda waxba laga qaban.

Dhibatada soo korortay ayaa waxey tahay in hadda dilalka  dhaca aysan aheyn oo kaliya dhalinyarada lagu tuhunsan yahay  in ay wax barashada ka saaqeen lakain hadda loo soo jeesta in la dilo dadka wax ku ool ka, booliska iyo bulshada qaarkeed ayaa aaminsan  dilalaka loo geysanaayo dhalinyarada Soomaliyeed in ay ka danbeeyaa dhalinyaro kale oo Soomali ah.

Booliska ayaa markaa la weydiiyo sababta ay u xalin la’yihiin dilalka dhalin yarada Soomnaliyeed ayaa waxey ku jawaabaa bulshada Soomaliyeed gacan nagama siisi sidii aan u xaleyn laheen arimaah.

Ganacsade lagu magacaabi jiray Fu’aad Cali ayaa 12-saac kaddib markii la dhaawacay ku geeriyooday Isbitaalka Hennepin County Medical Center, sida booliska iyo ehelkiisa ay sheegeen.

Booliska ayaa sheegay Ninkan Soomaaliga ah in uu ku dhintay rasaas la is weedaarsanayay oo ka socotay wadadda  2600 block of Pleasant Avenue S. halkaasoo laga helay isagoo yaalla oo ay ku dhacday xabadi.

Maamulka magaalada ayaa shaaciyay magaca ninkan oo ah Fu’aad Cali Waa Aabe leh lab carruur ah, waxaana dhawaan la filayay in uu helo ilmihii seddaxaad oo xaaskiisa ayaa uur lahayd.

Qoyska ninkan iyo dadka Soomaalida ee ku noolaa xaafadiisa ayaa ka naxay dilka iyagoona isugu soo baxay xaafadda oo waxaa ka muuqatay murugo sida uu qoray Wargeyska

Ma jirto cid loo xiray dilka dhacay habeenimadii Arbacada.

Booliska  Minneapolis ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada sida ay u dhacday walina wax war ah kama soo bixin.

Minneapolis waa meesha ugu badan oo ay deggan tahay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.

Faadila Sheikh Maxamed ayaa sheegay in hadda ay wadaan olole ay bulshada ku wacyi gelinayaa  badbaadinta bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minnisota iyo in lala shaqeeyo booliska.

Dhageyo Warbixinta Faadila Sheikh Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here