Dhageyso: Ururka Ahlusuna Ee Gobollada Dhexe oo Is Khilaafsan

Hoggaanka Ahlu Sunna

Khilaaf ayaa waxa uu soo kala dhex galay Ahlusunada ka arimisa qeybo katirsan Gobollada Dhexe iyadoona khilaafkooda uu ku saleysan yahay Arinta Maamulka iyo Wakhtigii Golayaasha ay ku shaqeynayeen oo la sheegay inuu dhamaaday.

Dhawaan Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna Waljamaaaca Shiikh Cumar Shiikh C/qaadir oo saxaafada lahadlay waxa uu sheegay in wakhtigii uu ka dhacay Golayaasha isagoo sheegay in shir ay qabanayaan oo lagu so dhisayo hogaan Cusub oo Golayaasha ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SHIIKH CUMAR OO SHEEGAYA IN WAKHTIGII DHAMAADAY

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Golaha Talada Ahlusuna Waljamaaca Cabdullaahi Gureey oo saxaafada lahadlay ayaa cadeeyey in wakhti kordhin loo sameeyey golayaasha Ahlusuna oo wakhti ku filan ay hadda heystaan taasi oo ka dhigan in khilaaf uu jiro.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA CABDULLAAHI GUREEY OO ISNA AHLUSUNA KATIRSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here