Dhageyso: Taliska Booliska G/gaduud oo Xuquuqdoodii Dalbanaya

Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay
CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA

Taliyaha Booliska Gobolka Galgaduud Faarax Warsame Cilmi  ayaa waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii dawlada codsigooda ugu gudbin lahaayeen kaaso ah in la dayactiro Saldhigyada Booliska Gobolka ku yaalla iyo mushaarkii ciidanka ay dawalda soo dhiibto.

Faarax Cilmi waxa uu tibaaxay inay ciidanka si mutadawacnimo ah ay dalkooda iyo dadkooda muddo badan ugu soo shaqeynayeen sida ay ballan qaaday dawladana sanadkaan Cusub 2015 ay bixin doonto xaqii ciidamada ayna ka sugayaan.

Waxa uu Taliye Faarax muujiyey sida baahi weyn ugu qabaan dayactirsan Xarumaha ciidanka Booliska ku lahaa Gobolka G/gaduud kuwaasi oo hadda bur bur ka muuqdo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TALIYE FAARAX

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here