Dhageyso: Tababare Koox ciyaareed hogaamin jiray oo lagu dilay Muqdisho

bastooladKoox Hubeysan ayaa waxay xalay ku dileen magaalada Muqdisho macalin hogaamin jiray Koox K/cagta ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Shiikh (Musaya).

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey iyadoona dabley ku hubeysan bistoolado ay dilkaasi fuliyeen.

Marxuumka meydkiisa ayaa waxa muddo uu yaallay goobta lagu dilay kasoo qaaday ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya iyagoona geeyey guri uu ka deggenaa degamdaasi.

Ma jirto cid sheegatay dilka tababarahaasi kooxda ciyaaraha hogaamin jiray iyo sababta loo dilay intuba,waxaana weli wax war ah kasoo bixin maamulka degmada Dharkiinleey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN KA DIYAARINAY DILKA TABABARAHAASI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here