Dhageyso: Somaliland oo sheegtay in weli Dawlada Somaliya Hoostagaan

Wasiirka A.gudaha maamulka Somaliland Cali Waran Cade
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Waran Cade

Sanadkii 1991-kii Deegaanada ku yaalla Wuqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay Soomaaliya ka go’een ayna sameysteen Maamul la yiraahdo Somaliland.

18 May ayaa sanad waliba waxa loo dabaal dagaa maalinta Gooni isku taaga Somaliland oo ay Jamhuuriyad ku magacaabeen inkastoo weli wax aqoonsi ah caalamka siinin maamulkaasi.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa waxa uu sheegay inay yihiin maamul hoostaga Dawlada Federaalka Soomaaliya maadama wax aqoonsi ah weli Dunida siinin maamulkooda.

Hadalkaan si rasmi ah looma oga waxa xilligaan kusoo beegay maadama Somaliland ay marar badan ku cel celisay inay Somaliya ka go’een.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA CALI MAXAMED WARAN CADDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here