Dhageyso: Siilaanyo oo beeniyey in Dawlada Somaliya Hoostagaan

Siilaanyo
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo

Hadal kasoo baxay Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayuu ku sheegay in Maamulka Somaliland uu yahay mid hoostaga Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa Arintaasi ay noqotay mid aan looga baran hore mas’uuliyiinta Maamulkaasi inay ku dhawaaqaan isagoo Cali Waran Cade sheegay in maamul Gobolleedyada ka jira Dalka ay qeyb ka yihiin.

Waxa si kulul arintaasi uga jawaab celiyey Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo sheegay in warka kasoo baxay Cali Waran Cade aysan ku kadsoomin ama aysan udhago raaricin shacabka Somaliland.

Waxa sidoo Axmed Siilaanyo uu sheegay inay weli yihiin Jamhuuriyad ka go’day Dalka Somaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here