Dhageyso” Shaafici Nuur oo ka hadlay daadgureynta Soomaalida Sudan

Soomaalidii laga soo dad gureeyaya Sudaan
Soomaalidii laga soo dad gureeyay Sudaan

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka soo daadgureysay Somali ku xanibneyd dalka koonfurta Sudan oo ay dhawaanahanba rabshado ka jireen.

In ka badan 130 ruux oo Soomaali ah, oo ay dowladda Soomaaliya ka soo daad gureysay dalka Koonfurta Suudaan, ayaa waxay galabta ka soo deggeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Safaarada Soomaalida ee dalka Koonfurta Suudaan, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay iska diiwaan geliyay ilaa 200 oo ruux oo Soomaali ah, waxaana 132 kamid ah maanta loo soo duuliyay Magaalada Muqdisho.

Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan, oo Saxaafada kula hadashay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay sheegtay in ay sii wadi doonaan, tallaabada ay dadka Soomaaliyeed kaga soo daad gureynayaan dalka Koonfurta Suudaan.

Raaqiyo Cali Muuse oo kamid ah dadkii maanta dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay, dib u soo laabashadeeda Magaalada Muqdisho.

Shaafici Nuur Calas xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfurta Sudan oo u waramay Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in 131 qof ay u duuliyeen Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in tiradani ay tahay tii ugu horeysay isla markaana ay qorsheynayaan duulimaad kale.

Wareysiga Shaafici Nuur Calas halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here