Dhageyso Sh. Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Diyuurad Kusoo Dhacday Buula Mareer

Afhayeenka dhinaca howlgalada al Shabaab sheekh Cabdi Casiis (Abuu Muscab)
Afhayeenka dhinaca howlgalada al Shabaab sheekh Cabdi Casiis (Abuu Muscab)

Afhayeenka dhinaca howlgalada al Shabaab sheekh Cabdi Casiis ayaa ka hadlay diyaaradii ku burburtay maanta degmada Buulamareer ee Sh/hoose oo ka taliyaan Shabaab.

Abuu Muscab waxa uu sheegay in diyaaradaasi ay ahayd mid basaas oo ah nooca aan cidna wadin.

“Saraakiisha tagtay goobta ay ku burburtay diyaarada waxa ay inoo sheegeen inay ku xirnaayeen kaamirooyinka wax lagu duubo iyo hub noocyo kala duwan ah marka diyaarad fidno ayey ahayd” ayuu yiri Afhayeenka.

Shir Jaraa’id oo caawa uu qabtay sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayuu uga hadlay dagaallo ka dhacay Garbahaarey, Qansaxdheere, Kismaayo iyo diyuurad maanta kusoo dhacay Buula Mareer oo ciidanka Mujaahidiinta gacanta kusoo dhigeen burburkeeda.

Dhageyso Shirka Jaraaid  ee Abuu Muscab oo Dhan
[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/abumuscab.mp3″]
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here