Dhageyso: Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay qabashada Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab

Salaad Cali Jeele
Salaad Cali Jeele

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kusugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay qabashada Zakariye Cusmaaciil Xersi oo ahaa madaxii Sirdoonka Al Shabaab.

Wareysi laga qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiyada iyo Midnimada Somaliya Salaad Cali Jeelle ayuu ku baaqay in Maxkamad Cadaalad ah la horkeeno Zakariye Cusmaaciil.

Salaad waxa uu sheegay in Hadii dawlada Somaliya wareysato Ninkaan katirsanaa Al Shabaab uu wax badan sheegi karo sir badan oo dhinaca Al Shabaab ah ka jirtana uu hayo.

Gudoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu Dawlada Somaaliya kula taliyey inay baaris dheer kusameyso Sargaalkaan Al Shabaabka katirsanaa kadibna ay maxkamad cadaalad ah horkeento si looga gudo dhibaatadii uu dadka Soomaaliyeed ugeystay waa sida uu yiri Salaad Cali Jeelle.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA LAGA QAADAY SALAAD CALI JEELLE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here