Dhageyso: R/wasaare C/weli “Raali hanaga Noqdaan Baarlamaanka Dalka”

R/wasaaraha Somaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay kulan Golaha Baarlamaanka gaar ahaan gudiyada Joogtada Golaha Sharci dejinta iskugu yimaadeen oo ka dhacay Muqdisho.

35

C/weli Shiikh Axmed ayaa su’aalo laga weydiiyey sida ay ku dhacday iyadoo Baarlamaanka aan la horkeenin qorshaha loogu wareejinayey Shirkad Turki ah Maamulka Dekada Muqdisho oo dhawaan loo gacan geliyey Dekada maamulideeda.

53

R/wasaaraha Dalka waxa uu sheegay inay Raali gelin cad ka bixinayaan qaabkii ay wax udhaceen isagoo ku sheegay in gudi uu Arintaasi uxilsaaray ay ku fududaadeen qaabkii Dekada loogu wareejiyey Shirkada Turkida ah.

82

Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya C/weli Axmed Maxmaed waxa uu sheegay inay kula xisaabtami doonaan Gudigii uu uxilsaaray arinta Dekada Muqdisho raali gelin cad kasiinayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo aan lagu wargelin in go’aankaasi gudigii howsha waday ay iskaga fududaadeen sida uu R/wasaaraha hadalka udhigay.

62

R/wasaare C/weli Shiikh waxa uu sheegay in Warqad arintaasi ay raali gelin cad uga bixinayaan ay dhawaan usoo diri doonaan Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA R/WASAARAHA DALKA MUDANE C/WELI SHIIKH AXMED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here