Dhageyso: Rajo xumo laga muujiyey wadahalka Somaliya & Somaliland

siyaasiDhawaan waxa lagu wadaa in magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ka furmo wada hadalkii udhaxeeyey Dawlada Somaliya iyo Maamulka lamagac baxay Somaliland.

Shirkaan ayaa qeyb ka noqon doona wadahadalo dhowr jeer Turkiga loogu qabtay labada dhinac iyadoona kuwii hore wax hormar ah aan laga soo gaarin.

Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan oo ah Gudoomiyaha Dallada Xizbiyada ka jira Dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in wax muhiim ah laga sugeynin in wada hadalkaasi kasoo baxaan.

Waxa uu sheegay C/llaahi Shiikh Xasan in labada dhinac ee lawada hadalsiinayo mid walbo ay dooneyso hadalkeeda in la qaato taasina ay tahay jug jug meeshaada joog.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SIYAASIGA C/LLAAHI SHIIKH XASAN

1 COMMENT

  1. Laa taqnadaduu Min raxmatilaahi.
    Rajadda RAbi lagama Quusto, Shacabka Soomaalida ah meel kasta ay jogaan Gudaha iyo Dibadda, waa dad walaalo ah, istixgeliyo, iscaawiyana kuna mideysan Midnimadda Umadda Soomaliyeed.

    Mida kale Walaalaha Soomaliland, waa jecel yihiin Soomalinimadda iyo midnimadda umadda, laakiin Qaladaad ay xukuumaddi kaligii teliskii ka gashey dardeyd ayay isku xilqaameen iney sameystaan Maamul ay iyagu masuuliyadiisa heystaan si aan dhib dambe ugu dhicin.

    Mar aan dhoweyn umadda wey heli doontaa Midnimadeeeda.

    Waxaana inoo muuqata in shacab weynaha Soomaliyeed 5-ta soomaliya helaan Midnimo ( Daladd ay umadda u dhan tahay ). kadibna ay ka shaqeyso horumarkeeda iyo midnimadeeda.

    Midnimadda wax yar ba kaa haray ee ha la badayo dood cilmiyeed ( Isku keenista UMadda ,soomalidda)..haddi wax badan laga doodo. wax ayaa la isla meel dhigi karaa. intan la garin midnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here