Dhageyso: Radio Gaalkacyo oo mar kale la weeraray

DSC01829Koox Hubeysan ayaa waxay Xalay Weerar bambaanooyin ah ku weerareen Xarunta Idaacada Gaalkacyo ee Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo Maamulka Puntland.

Wariye Sagal Siciid oo kamid ah Shaqaalaha Idaacadaasi islamarkaana Xarunta kusugneyd markii weerarka uu ka dhacayey ayaa sheegtay in seddex qof ay ku joogeen Xarunta wax khasaaro nafeed iyo mid hantiba aysan geysan.

Waxay sheegtay Sagal in labo bambaano oo qaraxyada gacanta lagu tuuro ah loo adeegsaday weerarka xalay lagu qaaday Xarunta Radio Gaalkacyo iyadoo sheegeysa in muddooyinkii dambe ay cabsi ku shaqeynayeen.

Waa markii la badaad oo muddo 20 cisho ah gudaheed la weeraray Radio Gaalkacyo,waxa sidaan oo kale labo qarax oo bambaanada gacanta laga tuuro ah lagu weeraray Xaruntaasi 31-kii bishii December sanadkii 2014-kii waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay Labo wariye oo ka shaqeynayey Idaacada inkastoo ay hadda fiican yihiin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA WARIYE SAGAL SICIID OO GAALKACYO JOOGTA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here