Dhageyso: Qarax ka dhacay Marka & AMISOM oo qaraxa kadib Shacab Dishay

QARAX-Copy

Sida ay sheegayaan dad kusugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose waxa maanta qarax lala eegtay Kollonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidanka AMISOM kuwooda ka socda Dalka Burundi.

Qof kusugan Marka Cadeey ayaa usheegay Idaacada Goob joog in Askarta AMISOM ay dhimasho iyo dhaawac qaraxaasi uu kasoo gaaray ilaa seddex Askari oo ka dhaawacantayna uu isagu arkay.

Sidoo kale waxa uu sheegay qofkaasi deggan Marka in Rasaas ay ciidanka AMISOM fureen uu ku dhintay wiil ka mid ahaa dhalinyarada Xaafada Roosiya oo Marka ku taalla dad kale oo dawarsanayana ay dhaawacyo rasaasta kasoo gaartay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA QOFKAASI KUSUGAN MAGAALADA MARKA CADEEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here