Dhageyso: Puntland oo waqti uqabatay Al Shabaabka Gal-gala

Madaxweyne Gaas oo ku baaqay AMISOM in la geeyo Puntland
Madaxweyne Cabdi Cali Gaas 

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay inay Waqti ay isku soo dhiibi karaan Al Shabaabka Buuraha Gal-gala uqabteen.

Isagoo ka hadlayey Shalay galab Shir jaraa’id uu Garowe ku qabtay Madaxweyne Gaas ayuu sheegay in muddo Soddon Maalmood ah Ama (Bil Ah) ay fursad usiinayaan Shabaabka gal gala inay isku soo dhiibaan oo ay cafis ufidinayaan wakhtigaas haday kasoo baxayaan.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay inay ka rajeynayaan Al Shabaabka fursada ay siiyeen oo ay isku soo dhiibi karaan.

Hadalka Maamulka Puntland kasoo baxay waxa uu kusoo beegmayaa xilli shalay Buuraha gal gala ay ku dagaalameen ciidanka Al Shabaab iyo kuwa Maamulka Puntland waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro iskugu jiray Dhimasho iyo dhaawac.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AADAN X– USEEN DAA”UUD INOO DIYAARIYEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here