Dhageyso: Prof.Galleyr,C/qeybdiid & Shariif Xasan oo kulan ku yeeshay Muqdisho

678iMadaxweynayaasha Galmudug,Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Khaatumo State ayaa waxay maanta kulan gaar ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Waxa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,Cali Khaliif Galleyr iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ka shireen sidii wada shaqeyn buuxda udhexmari laheyd maamuladooda.

Waxa Shariif Xasan Shiikh Adan oo kulankaasi ka hadlay uu sheegay inuu maamulkiisa diyaar uyahay wax walbo oo wada shaqeyn ah.

Waxyaabaha sidoo kale seddexda madaxweyne ay ka hadleen qaabkii dawlada Fedraalka looga shaqeyn lahaa isku soo celinta Dadka Soomaaliyeed ee Qabaa’iladu ku kala qeybiyeen gobollada Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN KOOBAN OO KULANKAASI KU SAABSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here