Dhageyso: Ninkii Fuliyey Qaraxii Ka dhacay Muqdisho oo La Qabtay

micraphone

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari walxo qarxa ka buuxeen oo la dhigay wadada dhinaceeda waxaana warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan qaabka qaraxa uu u dhacay.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Irida Hore ee Hoteelka Golden Star la yiraahdo ee ku yaalla Muqdisho kana soo horjeeda Guriga Shaqaalaha oo hadda Xarun u ah Waaxda Hogaanka Jinsiyadaha iyo Socdaalka Dawlada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay qaraxaasi halka warar kale ay sheegayaan in dhimashadu ay ku sheegayaan 3 qof waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 5 qof.

Wariye la shaqeeya Idaacada Kulmiye oo tagey meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa tilmaamaya in ciidanka Boolisku usheegeen in la qabtay ninkii ka dambe qaraxaasi inuu maanta duhurkii ka dhaco halkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARIYE SAKARIYE TIMA CADE OO TAGEY MEESHA QARAXA KA DHACAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here